Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug waxaa ka socda banaanbax looga soo horjeedo Ururka Al-Shabaab, oo dhowr jeer weeraro kala duwan la geystay degaano kamid ah Maamulka Galmudug.
Banaanbaxa oo ay dhigayaan Bulshada ku nool Magaalada Gaaalkacyo ayaa waxaa amarkiisa bixiyay laamaha Amniga Magaalada Gaalkacyo, iyada oo goobaha Ganacsiga & Waxbarashada Magaalada la xiray.
Qaar kamid ah Culimada Magaalada Gaalkacyo ayaa banaanbaxa ka hadlay, iyaga oo ugu baaqay Bulshada ku nool Magaalada Gaalkacyo inay Amniga ka Shaqeeyaan.
Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Magaalada Gaallacyo ee Galmudug ayaa banaanbaxa giibjoog ka ah, iyada oo amniga ay siweyn u adkeeynayaan laamaha Amniga Magaalada.