FB IMG 1655012128425 - Wardeeq news

Qaar kamid ah Gaadiidleyda iyo Ganacsato ayaa waxaa ay Maanta banaanbax ka dhigeen Isgoyska Fagax ee Magaalada Muqdisho.

Bannaanbaxa ayaa waxaa ay uga cabanayaan Biyaha fariistay laamiga aada dhinaca Hotelka Towfiiq & Goobaha Ganacsi hortooda, taas oo keentay in Gaadiidka maraan waddooyinka Xaafadaha ah.

Bannaabaxayaasha ayaa dhagxaan ku jaray qaar kamid ah waaddooyinka soo gala iyo kuwa ka baxa Isgoyska Fagax, iyaga oo u diidaya inay Gaadiidka maraan, waxaana ay dalbanayeen in Maamulka Gobolka Banaadir uu Biyaha wadada laamiga ah  ka nadiifiyo.

Waxaa hakad galay isku socodka Gaadiidka iyo Ganacsiga, waxaana Isgoyska Fagax Maanta siweyn looga dareemay bannaanbaxa ay dhigayeen Gaadiidleyda iyo Ganacsatada.

FB IMG 1655012141230 - Wardeeq news FB IMG 1655012138361 - Wardeeq news FB IMG 1655012135874 - Wardeeq news FB IMG 1655012133485 - Wardeeq news FB IMG 1655012131098 - Wardeeq news FB IMG 1655012128425 - Wardeeq news

Verified by MonsterInsights