Bannaanbax ka Qarxay Bakaaraha: Ganacsato ka Horyimid Iibinta Dhulkooda
Boqolaal ka mid ah ganacsatada Suuqa Bakaaraha, oo ah suuqa ugu weyn dalka, ayaa maanta dhigay bannaanbax ballaaran kadib markii ay sheegeen in dowladda ay amartay in la xiro suuqa isla markaana laga guuro, iyadoo la qorsheynayo in dhulkaas lagu wareejiyo ganacsato maalqabeenno ah oo xiriir la leh dowladda.
Ganacsatada ayaa xiray waddooyinka soo gala suuqa, iyagoo muujinaya caro xooggan oo ay ka qabaan go’aankaasi.
Waxay si cad ugu eedeeyeen dowladda Soomaaliya inay isku dayeyso inay dhulkooda ku wareejiso ganacsato gaar ah.
Intii uu socday bannaanbaxa, ganacsatada ayaa baaq u diray Madaxweynaha Soomaaliya, iyagoo ka codsaday inuu si degdeg ah u soo farageliyo arrintan.
Mid ka mid ah haweenka suuqa ku ganacsada ayaa sheegtay in aysan aqbali karin in koox gaar ah ay dowladda ka iibsato suuqa, iyadoo ballan qaaday inay ku dhiman doonaan dhulkooda.
Sidoo kale, dhalinyarada ku ganacsata suuqa ayaa sheegay in ay iska difaaci doonaan cid kasta oo isku dayda inay ka saarto goobahooda ganacsi.
Hooyo kale oo ganacsi yar ku leh suuqa ayaa iyaduna sheegtay inay halkaasi ku ganacsaneysay muddo 28 sano ah, ayna adag tahay inay aqbasho in laga qaado goobteeda nololeed.
Guud ahaan, ganacsatada ayaa mar kale ugu baaqay Madaxweynaha inuu arrintan si degdeg ah u soo fara geliyo, iyagoo carrabka ku adkeeyay in suuqa uu yahay mid ka madax bannaan arrimaha siyaasadda, isla markaana aysan ka bixi doonin goobahooda ganacsi.

