Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax xooggan oo goordhow ka dhacay gudaha magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ee bartamaha dalka, waxaana kadib la maqlay rasaas xigtay.
Qaraxa oo ismiidaamin ahaa loona adeegsaday baabuur ayaa lasoo wariyay in lagu weeraray hoteel ku yaalla galbeedka magaalada oo lagu magacaabo Qaahira
Dhismaha la weeraray ayaa la sheegay inuu ka socday abaabul xoogleh oo ku aadan dardargelinta howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda halkaasi.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in hoteelka la beegsaday ay ku sugnaayeen odayaal dhaqameed iyo saraakiil la sheegay inay abaabulayeen howlgal ka dhan ah Al-Shabaab.
Sidoo kale waxaa qaraxa xigay weerar toos ah oo xubno ka tirsan Al-Shabaab ay ku galeen hoteelka, iyaga oo weli ka dhex dagaalamaya goobta, sida ay innoo sheegeen ilo wareedyo xilkas ah.
Khasaare kala duwan ayaa jiro, balse ma cadda inta uu gaarsiisan yahay, maadaama weli howlgalka uu socda, rasaasna laga maqlayo aagga ay wax ka dhaceen.
Xaaladda goobta ayaa weli cakiran, waxaana gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka oo howlgal culus ka wada dhimsha hoteelka oo ku yaalla aagga xaafadda Howlwadaag.
Ma jiro weli war rasmi ah oo kasoo baxay maamulka gobolka, kan degmada iyo saraakiisha laamaha amniga ee ku aadan qaraxa iyo weerarka xigay ee Beledweyne.
Weerarkan ayaa kusoo aadayo, xilli Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe ay haatan ka socdaan howlgallo culus oo ka dhan ah maleeshiyaadka Al-Shabaab oo mar kale dib ugu soo laabtay deegaannadii laga xoreeyay gobolladaasi oo hoosataga maamulka HirShabelle.
Beledweyne oo xudun u ah kacdoonka shacab ee ka dhanka ah Khawaarijta, ayaa waxaa marar badan ka dhacay qaraxyo ay soo maleegeen Al-Shabaab oo gaystay khasaarooyin isugu jiro dhimasho iyo dhaawac, waxaana qaraxan uu lamid noqonayaa kuwii hore.