ku xigeenka afhayeenka ciidanka booliska Soomaaliya Cabdifitaax Cali Xasan - Wardeeq news

Gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay ayaa xalay lagu weeraray maqaayad ku taalla degmada Boondheere ee gobolka Banaadir, waxaana qaraxaasi ka dhashay khasaaro badan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Sidoo kale, taliska ciidanka booliiska Soomaaliya ayaa sheegay in qaraxa loo adeegsaday gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay, waxa ayna booliiska sheegeen in goobta la qarxiyay buuxeen dhallinyaro shacab ah oo halkaasi ku caweeneysay.

Booliiska warka kasoo baxay ayaa lagu shaaciyay in tirada dadka ku dhintay qaraxa ay gaarayaan ilaa shan qof, waxa ayna intaa ku dareen in qaraxa ku dhaawacmeen dad kale oo gaaraya 20-qof oo qaarkood dhaawacyo culus qabaan.

Dhanka kale, warka boliiska waxa lagu sheegeen in wali ay wadaan tirokoobka khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay qaraxii xalay, waxaana loo badinayaa in khasaaraha booliiska shaaciyeen ee dhimashada iyo dhaawaca ay intaasi ka badan yihiin.

Sikastaba, maqaayada xalay la qarxiyay ee lagu magacaabo Top Coffee ayaa xilliga qaraxa dhacayay gudaheeda waxaa ka socotay daawadashada ciyaartii fiinalka ee u dhaxeyay Spain iyo England, waxaa sidoo kale maqaayada horteeda xilliga qaraxa dhacayay fadhiyay dad shacab ah, halka dad kalana ay laamiga marayeen xilligaasi.

Verified by MonsterInsights