428497688 451663394340878 2729600536502789677 n - Wardeeq news

Guddoomiyaha hay’adda maareynta musiibooyinka qaran ee (SODMA), Maxamuud Macallin oo gaaray magaalada Baydhaba ayaa kulan la yeeshay madaxweynaha Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen).

Maxamuud Macallin ayaa madaxweyne Laftagareen kala hadlay afar qodob oo kala ah wax ka qabashada xaaladaha taagan ee bani’aadannimo, sidii gargaar loo gaarsiin lahaa shacabka Koonfur galbeed iyo u diyaar-garowga sidii loo gacan qaban lahaa dadka ay saameeyaan dagaallada dalka lagu xoreynayo Al-Shabaab iyo door ku lahaanshaha barnaamijyada xasilinta.

Sidoo kale waxaa kulankan lagu soo qaaday dardargelinta mashaariic loogu talagalay Koonfur Galbeed oo ay hay’adda SODMA fulin doonto iyadoo kaashaneysa wasaaradda gargaarka maamulkaasi.

Verified by MonsterInsights