Cabdiraxmaan Baadiyow “Wax aan heshiis lagu ahayn kama hirgalayaan dalkeena”

0
167

Siyaasiga Cabdiraxmaan Macalin Cabdullaahi Baadiyow ayaa markale ka hadlay xaaladda murugsan ee dalka ka taagan, ee ka dhalatay muddo kororsiga labada sano ee Hay’adaha Dowladda Federaalka loo sameeyay.

Cabdiraxmaan Macalin Cabdullaahi Baadiyow ayaa sheegay in cod kore iyo mid hooseba uu ku sheegayo in wixii aan heshiis lagu ahayn, aanay ka dhaqangelin karin dalka.

“Ogaada, waa ku celcelinayaa, kor iyo hoos ayaan u sheegayaa, wax aan heshiis lagu ahayn kama hirgalayaan dalkeena.” Ayuu yiri Cabdiraxmaan Macalin Cabdullaahi Baadiyow.

Waxa kaloo uu sheegay in wixii aan heshiis lagu ahayn ay dalka u horseedayaan colaad oo keliya, xilli sida uu qirayba uu dalku dagaal ka daalay.

“Wixii aan heshiis lagu ahayn waxaa ka dhalanaya colaad iyo dagaal. Dalkaynu colaad iyo dagaal waa ka soo daalay. Waa waqtigii nabadda iyo heshiiska. Heshiis! Nabad!” Ayuu yiri Baadiyow oo warkan ku sheegay bartiisa Twitter-ka.

Sharciga gaarka ah ee muddada loogu kordhiyay Madaxtooyada iyo Baarlamaanka Somaliya ayaa sii kala fogeeyay dhinacyada siyaasadda ee dalka.

Wardeeq news

Please enter your comment!
Please enter your name here