Cabdiraxmaan Cirro, Oo ku guuleystay doorashadii ka dhacday Somaliland.

0
8

Guddiga Doorashooyinka Somaliland ayaa ku dhawaaqay natiijada rasmiga ah ee doorashadii maamulkaasi ka dhacday 13-kii bishaan Novermber.

Guddoomiyaha guddiga dorashooyinka ayaa shaaciyay in doorashadan looga adkaaday madaxweyne Biixi oo markale u tartamay kursiga, waxaana madaxweynaha Somaliland ku guuleystay musharaxa xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullahi (Cirro).

Cirro ayaa musharaxa Kulmiye uga guuleystay codad ka badan 100 kun, taas oo muujineyso in shacabka Somaliland ay cod aqlabiyad leh ku doorteen madaxweynaha cusub

Sidoo kale, Guddiga doorashooyinka ayaa sheegay in tartanka xisbiyada ay kusoo baxeen Waddani, Kaah iyo Kulmiye, waxaana sidaas ku haray xisbiga UCID ee Faysal Cali Waraabe.

Wardeeq news

Please enter your comment!
Please enter your name here