Ciidamada amaanka Liibiya ayaa si xoog leh u kala diray mudaaharaadyo muhaajiriin ah

0
178

Ciidamada ammaanka Liibiya ayaa xoog ku galay oo si xoog leh u jebiyey mudaaharaad ay muhaajiriintu ku fadhiyeen bannaanka xarun ay Qaramada Midoobay ku leedahay caasimadda Tripoli, sida ay sheegeen dad u dhaqdhaqaaqa iyo muhaajiriinta. Ciidamada ayaa yimid habeen hore, waxayna jebiyeen goobtii mudaaharaadku ka socday, waxayna xireen boqolaal, ayuu yiri Tarik Lamloum oo u dhaq dhaqaaqa isniintii. Kuwa la xiray waxaa loo diray xarun lagu hayo oo ku taal magaalada u dhow ee Ain Zara. Kuwo kalena waxa u suurtagashay in ay ka baxsadaan weerarka, ayuu yidhi.

Wardeeq news

Please enter your comment!
Please enter your name here