deegaanadii Tigrayga, siiba magaalooyinkii waaweynaa ee Mekele iyo Adigrat. Getachew Reda oo Abiy ugu magacoownaa madaxa kumeelgaarka ah ee Tigray ayaa dirqi uga badbaadey in ciidamada Tigreegu gacanta ku dhigaan.
Getachew Reda oo shalay Addis Ababa kula kulmay safaaradaha caalamka ayaa u sheegay in TPLF ay jabisay heshiiskii nabadeynta ee Koonfur Afrika, ammaanka dalkana ay khatar galineyso.
Debretsion Gebremichael oo ah madaxa TPLF ahna ninkii soo saaray Abiye Axmed ayaa Getachew Reda ku tilmaamay nin Tigray ka galay khayaano qaran.
Getachew Reda ayaa sababtay markii uu 11 Maarso 2025, shaqada ka caydhiyay afar sarkaal oo sare oo TPLF daacad u ah, kalana ah:
1. Lieutenant General Fisha Kidanu, Madaxa Ammaanka
2. Major General Yohannes Woldegiyorgis
3. Major General Masho Beyene
4. Brigadier General Migbey Haile
Qorshaha cusub ee TPLF iyo Gebremichael ayaa lagu macneeyey mid ay ugu sii dhawaanayaan Aratariya si loogu midoobo sidii Abiy kursiga looga tuuri lahaa. Amxaarada ayaa hore xiriir dhow ula yeelatay Aratariya, sidoo kale Amxaarada iyo Tigreegana ayaguna si hoose bay u heshiiyeen.
Waxaa kale oo jira qorshe labada Tigree ka dhexeeya sidii uu dagaalku u bilowday, waxaana dhexmaray kulamo lagu go’aaminayo aayaha qowmiyadda iyo sidii loo yagleeli “Republic of Greater Tigray” oo ku salaysan “TPLF Manifesto sannadkii 1976.”
Mar haddii Abiy uu maanta gabi cidla ah fadhiyo, oo tiirarka kaliya ee taageerayaa yihiin Oromada iyo Canfarta oo uusan isku hubin, saameyn intee le’eg baa jabka Abiy Axmed ku yeelan karaa Soomaaliya iyo Madaxweyne Xasan Shiikh oo waayahaan ay aad isugu soodhawaanayeen? Waa su’aal kamid imtixaanada ku soo fooleh Madaxweyne Xasan Shiikh.
Imaaraadka iyo Turkiga oo ayana kal hore fuulay faraska Abiye Axmed ayaa waxaa haysta welwel weyn iyo khasaare siyaasadeed oo baaxad leh haddii uu fulo qorshaha qowmiyadaha iyo kan Aratariya oo ah in wixii Itoobiya la dhihi jiray xididada loo rujiyo.