Ciidamada Dowladda Oo Howlgalo Burburin ah Ka Fuliyay Shabeellaha hoose

0
127

Ciidanka Kumaandooska Gorgor gaar ahaan ururka 7aad ee Guutada 18aad ee Ciidanka Xoogga dalka ayaa howgal qosheysan oo ay ka fuliyeen Tooloyin hoostga Gobolka Shabeellaha Hoose waxa ay sheegeen in ay ku burburiyeen fariisimo  ay dagaalamayaasha Al-Shabaab ku lahaayeen Halkaasi.

Saraakiisha Ciidamada  Dowladda ayaa sheegay in howlgalkaan uu ahaa mid ay ku bartilmaameedsanayeen Goobaha  Al-Shabaab ay ku lahaayeen tuulooyinka Buulo Xaanshi, Ceelsaniini, iyo Buulo cadeey oo ka wada tirsan Gobalka Shabeelaha Hoose, halkaasi oo ay timaameen in ciidamadu ay ku bur buriyeen fariisimihii alshabaab.

Intaasi kadib Ciidamada Dowladda ayaa waxa ay sheegeen in ay sameeyeen howlgallo balaaran oo amni xaqiijin ah.

Warkasoo baxay warbaahinta Dowladda ayaa lagu sheegay in howlgaladaan ay ahayeen kuwa ka dhan ah Alshabaab Ciidamaduna ay sii wadi doonan inta Al-Shabaab ay ka sarayaan Deegaanada iyo Tuulooyinka hoosyimada Gobolka Shabeellaha Hoose

Howlgaladaan ayaa waxa ay kusoo aadayaan xili saacadihii lasoo dhaafay ay Gobolka shabeelaha hoose deegaano ka tirsan ay ka dhacayeen falal amniga ka baxsan sida qarax iyo dilal Qorsheysan

Wardeeq news

Please enter your comment!
Please enter your name here