Ciidamada Dowladda Oo Howlgalo Qorsheysan Ka Fuliyay Gobolka Gedo

0
99

Ciidamada Dowladda gaar ahaana Guutada 10-aad  Ururka 50-aad Ee Ciidanka Xoogga Dalka ayaa waxa la sheegay in saacadihii lasoo dhaafay ay howlgalo balaaran ka Fuliyeen Deegaanno ka tirsan Gobolka Gedo

Howlgaladaan ayaa waxa ay saraakiisha hogaaminaysay Ciidamada Dowladda ay ku sheegeen in lagu burburiyay saldhigayo ay dagaalamayaasha ku lahaayeen halkaasi

Waxaana ay sheegeen in howlgalada nuucaan ah ee amniga lagu xaqiijinayo ay Ciidamada Dowladdu sii wadi doonan

Taliyaha Guutada 10 aad Ciidanka Xoogga dalka ayaa waxa uu sheegay in Howlgaladaan loo hortagayo falalka amni daro ee ka dhaca deegaanada hoostaga Degmada Garasbaalley ee gobolka Gedo

Waxaana uu intaasi ku daray in howlgalada ay kula wareegeebn goob ay ku sugnaayeen Dagaalamayaasha Al-Shabaab Islamarkaasna ay kasoo Abaabuli jireen Weerarada ka dhacada deegaamada Gobolka Gedo

Muddoyinkii ugu dambeeyay ayay Dowladda howlgalo isdaba jooga ah ka wadeen deegaano dhaca gobolka gedo
Kadib markii xubno ka tirsan alshabaab ay weeraro ka fuliyeen halkaasi

Wardeeq news

Please enter your comment!
Please enter your name here