Dagaalka oo geystay khasaaro kala duwan ayaa waxaa Ciidamo ka tirsan kuwa Daraawiishta Dowlad Goboleedka Jubbaland iyo Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab uu ku dhex-maray degaanka jasiirada Gudhaa ee Gobolka Jubbada Hoose.
Dagaalka ayaa waxaa uu ka dambeeyay kadib markii sida la sheegay Xubno ka tirsan Al-Shabaab ay weerareen Saldhiga Ciidamada Jubaland ee degaanka Gudhaa, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.
Dadka degaanka lagu dagaalamay ayaa waxaa ay sheegeen inay maqlayeen dhawaqa rasaasta ay isku adeegsanayeen labada dhinac, sidoo kale uu jiro khasaaro ka dhashay dagaalka.
Saraakiil ka tirsan Ciidamada Daraawiishta Jubbaland ayaa waxaa ay Warbaahinta u sheegeen inay iska difaaceen weerarkii kaga yimid dhinaca Al-Shabaab, isla markaana ay khasaaro xoogan gaarsiiyeen.
Degaano iyo degmooyin ka tirsan Gobolka Jubbada Hoose ayaa waxaa inta badan ka dhaca dagaal u dhaxeeya Ciidamada Kenya iyo kuwa Jubbaland oo dhinac ah iyo Al-Shabaab, waxaana labada dhinac ay kala sheegtaan inay guulo ka gaareen dagaalada.