Ciidamada Jubbaland oo Dhaqdhaqaaqyo ka Wada Duleedka Beled-Xaawo, Maxaa Soo Kordhay?”

Taliyaha Ciidanka Daraawiishta Dowlad Goboleedka Jubbaland ee gobolka Gedo, Jenaraal Cabaas Ibraahim Aadan Gurey, ayaa kulan guud la qaatay cutubyo ka tirsan ciidamada Daraawiishta ee ku sugan duleedka Beled-Xaawo, isagoo ay wehliyeen saraakiil sare oo ka tirsan taliska ciidamada.
Taliyaha ayaa kulankaas uga warbixiyay ciidamada qorshayaal cusub oo lagu doonayo in lagu bilaabo howlgallo ballaaran oo ka dhan ah kooxaha lagu tilmaamay kuwa diiddan nabadda, si loo xoojiyo amniga iyo xasilloonida guud ee gobolka Gedo.
Jenaraal Cabaas Aadan Gurey ayaa carrabka ku adkeeyay in ciidamada Daraawiishta Jubbaland ay mar walba diyaar u yihiin ilaalinta nabadgelyada iyo badbaadada shacabka reer Jubbaland, isagoo askarta ku booriyay in ay laba jibbaaraan dadaalkooda ku aaddan sugidda amniga.
Dhanka kale, Taliyaha ayaa sheegay in ay jiraan kooxo sida uu hadalka u dhigay laga soo abaabulay magaalada Muqdisho, kuwaas oo dhibaato ku haya shacabka ku nool degmada Baladxaawo. Waxa uu tilmaamay in ay muhiim tahay in si degdeg ah looga jawaabo xaaladahaas.
Ugu dambeyn, Jenaraal Cabaas Aadan Gurey ayaa ciidamada ku adkeeyay feejignaan joogto ah, wadajir iyo in ay si buuxda u fuliyaan amarrada taliska, si loo gaaro guulaha laga filayo howlgallada la qorsheeyay.
