Wararka

Ciidamada Koonfur Galbeed oo Weerar Aroornimo ku qaaday Fadhiisimadii Mucaaradka ee Habar-Dooy

Ciidamada Maamulka Koonfur galbeed ayaa saakay weerar ku qaaday Deegaanka Habar-Dooy oo ku yaala koonfurta Deynuunay halkaas oo fadhiisimo kala duwan ay ku lahaayeen kuwa mucaaradka.

 

Deegaankaan oo qiyaastii 20km u jira magaalada Baydhaba ayaa waxa ka dhacay dagaal culus oo dhex maray labada dhinac kaas ay isku adeegsadeen hubka qaybihiisa kala duwan oo laga maqlayay daryankooda deegaanada agaas udhaw .

 

Wararka ay heleeso wardeeq news Ayaa sheegaya in goobihii lagu dagaalamay gacan ku heentooda ay lawareegeen ciidamada maamulka koonfur Galbeed in kasto xaqiijin rasmi ah ilaa iyo hadda aanan laga helin labada dhinac.

 

Waxaa jira dhimasho iyo dhaawac ka dhashay dagaalka kuwa oo soo kala gaaray labada dhinac ee daaalmay iyo dad shacab ah , iyadoo daqiiqado ka hor uu is taagay dagaalka .

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Verified by MonsterInsights