1645955187341 - Wardeeq news

Ciidamadda Dalka Ruushka ayaa duqeeyay Mid ka mid ah ceelasha Saliida oo ku taala Vasylkiv oo wax yar u jirta magaaladda Kyiv.

Deegaankan ayaa dagaal xoog lihi uu ku dhex maray Ciidamadda Ruushanka iyo kuwa Ukraine sida uu duqa Magaaladdu Sheegay.

olol iyo qiiq wada socda ayaa la arkayay iyada oo sidoo kalena ay wararku sheegayaan in ciidamadda Ruushanku ay gudaha u galeen Magaaladda Labaad ee dalka Ukraine.

Madaxweynaha Dalka Ukraine ayaa isna sheegay in ujeedada Dalka Ruushku ay ka leeyihiin dagaalkani ay tahay xasuuq, maadaama aan loo kala aabo yeelayn dadka dalkaasi.

Waxa uu mar kale baaq u diray beesha caalamka kuwaas oo uu ka codsaday in ay talaabo adag ka qaadaan Dalka ruushka

Verified by MonsterInsights