Ciidamo horleh oo ka tirsan kuwa Daraawiishta Jubbaland ayaa maanta isku dhiibay ciidamada dowladda ee ku sugan aagga deegaanka Raaskambooni ee gobolka Jubbada Hoose, halkaas oo si weyn loogu soo dhaweeyay. Ciidamadan oo watay four
doomood oo kuwa dheereeya ah ayaa dhanka xeebta ku yimid, waxaana kadib soo dhaweyn u sameeyay saraakiisha dowladda ee ku sugan halkaasi. Taliyaha hoggaaminayay ciidanka kasoo goostay Axmed Madoobe oo goobta ka hadlay ayaa shaaca ka qaaday inay ku faraxsan yihiin kusoo biiraan dowladdooda.
Sidoo kale wuxuu ka hadlay sababaha ay uga soo baxeen Jubbaland; isaga oo tilmaamay in muddo dheer ay dhibaato tirsanaayeen, maantana ay garteen inay kasoo baxaan. “Sababta keentay ciidankan iyo aniga oo xukuma ma ahan indowladda aan number ka helno ma ah inaan dhaqaale