FB IMG 1639301201911 2 - Wardeeq news

Ciidamo ka tirsan Boolis Dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle balse sigaar ah uga amar qaata  Madaxweyne kuxigeenka Maamulkaas Yuusuf Axmed Hagar Dabageed ayaa Maanta si awood ah ku furay kulana wareegay tarminalka garoonka Ugaas Khaliif ee Magaalada Beledweyne, kaas oo shalay la xiray.

Saraakiisha Shirkadda Whitestar oo ah midda dhistay Tarminalka Garoonka ayaa sheegay in dhamaan Shaqaalahoodii banaanka loo soo saaray, isla markaana Maanta wax Shaqo ah ka socon Xafiisyada Tarminalka Garoonka Diyaaradaha Beledweyne.

Maalik Abdalla oo ah Maamulaha Shirkadda Whitestar ayaa Warbaahinta u sheegay in howlaha ka socda garoonka Diyaaradaha Beledweyne uu yahay boob maadaama shalay Tarminalka Garoonka ay xireen amadaxda Hir-Shabeelle Maanta ay xoog ku fureen, wuxuna Bulshada ugu baaqay in  laga hortago xoog sheegashada.

Khilaafka u dhaxeeya Madaxweyne kuxigeenka Hir-Shabeelle iyo Madaxda Shirkadda Whitestar ayaa waxaa uu yahay mid salka ku haaya arrimo dhaqaale, iyada oo Maalintii labaad oo xiriir ah uusan Shaqeyn Garoonka diyaaradaha Beledweyne.

Verified by MonsterInsights