Uganda ayaa sheegtay Jimcaha Maanta ay fashiliyeen weerar ismiidaamin ah oo lala beegsaday aas qaran oo loo sameeyay taliye sare oo ka tirsan booliiska iyo taliyaha ciidanka oo hogaaminayay howlgallada Midowga Afrika uu ku qaaday Al-Shabaab ee ka socda Soomaaliya.
Ciidamada ammaanka ayaa sheegay inay Nin ka soo qabteen magaalada Pader maalintii aaska loo sameynayay Sarreeye Gaas Paul Lokechm kaas oo mar Soomaaliya ka shaqeeyay, isla markaana noqday Taliyaha Ciidamada Uganda ee xarunta madaxtooyada Villa Somalia
“Qofka laga shakisan yahay waxaa lagu helay qalab kala duwan oo bam-gacmeedyo ah,” afhayeenka ciidanka Brigadier Flavia Byekwaso ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay magaciisa inuu yahay Katumba Abdul oo u dhashay dalka Uganda, oo sidoo kale loo yaqaan Ben.
Agabka ayaa waxaa ka mid ahaa bam-gacmeed guriga lagu sameeyay, jaakadaha ismiidaaminta, waxyaabaha qarxa, furayaasha iyo taleefannada gacanta ee loo adeegsado in lagu qarxiyo aaladda,
“Baaritaannada illaa hadda la sameeyay waxay muujinayaan in tuhmanaha uu damacsanaa inuu carqaladeeyo howlaha aaska marxuum Maj Gen Paul Lokech,” ayuu yiri Byekwaso.
Lokech, oo Sabtidii ku dhintay dhiig-xinjirowga, wuxuu laba jeer taliye ka soo noqday Soomaaliya isagoo la jooga Amisom-hawlgalka milateri ee Midowga Afrika ee la dagaallamaya fallaagada Al-Qaacida ee xiriirka la leh Al-Shabaab.
Wuxuu hoggaamiyay cutubyadii dagaal-yahannada Al-Shabaab ka csaaray caasimadda Muqdisho sannadkii 2011-kii, taas oo uu ku mutaystay naanaystiisa ah “Libaaxa Muqdisho”.
Waxa kale oo uu la soo shaqeeyey Ciiddanka Uganda ee Hawlgalka ka fuliyey Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Kongo oo ka dhan ah Jabhadda laga baqo ee Isbahaysiga Dimuqraadiga (ADF) iyo Hawlgal lagu caawinayo sidii loo dhisi lahaa Ciiddamadda Koonfurta Suudaan.