Capture 3 - Wardeeq news

Booliska ka howlgala magaalada Muqdisho ayaa soo xiray dhalinyaro baraha bulshada ka baahinaysay farriimo kicinaya colado dadweyne, gaar ahaan qabiilada dega Muqdisho.

Booliska Soomaaliya ayaa howlgal Muqdisho ka socday 24 saacadood ku soo xiray dhalinyaro isugu jirta gabdho iyo wiilal, kuwaas oo maalmihii lasoo dhaafay baraha bulshada, gaar ahaan TikTok ka waday kicin bulsho.

Tirada dhalinyarada lasoo xiray waxaa lagu sheegay 21 qof, kuwaas oo bulshada dhaxdeeda ka waday “anshax xumo iyo kala qoqob” sida lagu sheegay qoraalka booliska.

Baaritaan ku saabsan kiisaska loo heysto dhalinyaradaan ayuu bilaabay booliska Soomaaliya, si looga gun gaaro, cida soo abaabushay falalka ay ku kaceen dhallinyaradaan.

“Waxaa looga digayaa shacabka Soomaaliyeed ee ku nool Caasimada iyo hareeraheeda in ay ka fogaadaan falalka anshax xumada ah, hadalada kicinaya bulshada iyo aflagaadada muwaadiniinta,” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay taliska ciidanka booliska Soomaaliyeed.

Dhalinyaradaan oo intooda badan caan ka ah barta Tiktok ayaa saacadihii lasoo dhaafay u kala saftay Abgaal iyo Habargidir, waxayna mararka qaar isku balansanayeen dagaal, iyagoo soo gelaya Live.

Verified by MonsterInsights