March 15, 2025

Ciidanka Booliska Somaliland ayaa soo Sawirro+

64 / 100

Ciidanka Booliska Somaliland ayaa soo bandhigay boqolaal Tooreey iyo Budhadh oo laga soo qabtay xaafadaha magaalada Hargeysa, Agabka ay ciidanku soo bandhigeen aya isugu jira, Mindiyo, Toorey, Baangayaal iyo Budhadh ay bilaysku sheegeen in dadka lagu waxyeelayn jirey.

Somaliland waxaa todobaadyadii u danbeeyey ka dhacay dilala iyo dhaawacyo daran oo loo adeegsadey Toorey iyo Mindiyo, waxaana arintaasi keeentay in ciidamada Somaliland maanta Hargeysa ka aruuriyaan agabkan.

Saraakiisha bilayska Somaliland oo warbaahinta la hadlay, waxay sheegeen in sidoo kale intii hubkan ay aruurinayeen ay qabteen Xashiishad ay isticmaalayeen qaar kamid ah dadkii lagu qabtay agabkan wax lagu dili karo ee la qabtay.

Gobolada Somaliland waxaa weli ka jirta xanafta ay bulshada deegaanadaasi ku reebtay Doorashadii dhowaan la qabtay ee uu kusoo baxay Madaxweynaha  Somaliland Cabdiraxmaan Cirro, waxaana mudooyinkii danbe xoogaysanayey hadalada xanafta leh ee baraha bulshada ay isu mariyeen Taageerayaasha Xisbigii dhacay ee Kulmiye iyo Kuwa Xisbiga talada la wareegey ee Wadani, waxaana arintaasi lala xiriiriyey dhacdooyin amaan darro oo dhacay isuguna jirey dilal iyo dhaawacyo.

Wardeeqnews.com