ATMIS - Wardeeq news

Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in maanta tallaabo deg-deg ah ay qaadeen ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa ATMIS ee ku sugan Buulo-mareer, kadib weerar ay Al-Shabaab

kusoo qaadeen magaaladaasi. Weerarka ayaa Al-Shabaab waxaa gelinkii dambe ee shalay ku eekeeyeen saldhig ay ciidamada dowladda iyo kuwa ATMIS ku leeyihiin halkaasi, waxaana kadib xigay dagaal toos

ah oo dhex-maray labada dhinac, ayada oo dib loo celiyay raggii weerark. Intaas kadib ciidamada huwanta ayaa howlgallo ka bilaabay Buulo-marer, si gacanta loogu soo dhigo xubnihii Al-Shabaab ee soo maleegay weerarka ka dhacay halkaasi. Ciidamada ayaa guri guri u baaray xaafadaha ayaa gacanta kusoo dhigay tiro dad ah oo tuhmanayaal ah, loogana shakisan yahay inay ka tirsan yihiin kooxda Al-Shabaab. Saraakiil ka tirsan milatariga, Soomaaliya

Verified by MonsterInsights