Ciidanka Dowlada Somalia Ayaa Howlgal Ka Sameeyay Wadada Xariirisa Jowhar iyo Balcad

0
196

Howlgallo ka dhan ah  Al-Shabaab ayaa Ciidanka guutada Saddexaad Qeybta 27aad waxaa ay ka sameeyeen Wadada xariirisa Magaaalda Jowhar iyo Balcad ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Howlgalka ayaa Saraakiisha hoggaamineysa ay sheegeen in uu yahay mid looga saarayo Al-Shabaab oo mararka qaar wadadaas ka fuliya qaraxyo miino iyo weerero ka dhan ah Ciidamada dowladda.

War kasoo baxay Taliska Qeybta 27aad ee Ciidanka Dhulka Xooga Dalka Soomaaliyeed ayaa lagu sheegay inay sii wadi doonaan howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab si looga saaro degaanada yar oo ay ku sugan yihiin si looga hortago inay dhibaateeyaan dadka Shacabka ah.

Wadada xiriirisa Magaalada Jowhar iyo degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa waxaa ka go’ay inay maraan Mas’uuliyiinta Maamulka Hir-Shabeelle kadib markii dhowr jeer wadadaas lagu dilay, Xildhibaano, Askar iyo mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Wardeeq news

Please enter your comment!
Please enter your name here