FB IMG 1655446447467 - Wardeeq news

Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed gaar ahaan guutada 5-aad qeybta 27-aad oo uu wehlinayo Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan ayaa howlgal qorsheysan waxaa ay ka fuliyeen deegaanno u dhaxeeya degmooyinka Matabaan Maxaas iyo Beledweyne.

Howlgalka oo uu hoggaaminayay Taliyaha guutada 5-aad qeybta 27-aad Korneyl Maxamuud Xasan Ibraahim (Baakay) ayay Ciidamadu kula wareegeen gacan ku heynta deegaanka Jiracle oo fariisin u aheyd Ururka Al-Shabaab sida uu warbaahinta u sheegay Taliyaha.

Boqolaal kamid ah Ciidanka xoogga dalka iyo Ciidamada deegaanka ee loo yaqaanno Macawiisleeyda oo wata gaadiidka dagaalka ayaa saakay lagu arkay deegaanno dhaca waqooyiga Beledweyne.

Dhinaca kale ciidanka dowladda iyo ciidamada Macawiisleeyda ayaa xalay weerar ku qaaday fariisin Al-Shabaab ku leeyihiin deegaanka Bacda ee ka tirsan degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal culus waloow weli si rasmi ah loo ogeyn qasaaraha ka dhashay.

Howlgalkan ayaa ka dambeeyay kaddib markii dhawaan Al-Shabaab ay isku ballaariyeen deegaanno u dhaxeeyay Beledweyne Matabaan iyo Maxaas taasi oo keentay in maamulka Gobolka Hiiraan iyo ciidanka xoogga dalka ay bilaabaan howlgal ka dhan ah Al-Shabaab.

Verified by MonsterInsights