nis - Wardeeq news

Ciidamada Nabadsugida qeybtooda Duufaan ayaa howlgallo lagu xaqiijinayay Amniga waxaa saacadihii la soo dhafiy ay ka sameeyeen Xaafado katirsan degmada Beled Xaawo ee Gobolka Gedo.

Howlgalka ayaa lagu baarayay dadka iyo gadiidka kala noocyadiisa kala duwan, waxaana intii uu socday lagu qabqabtay dad u badan dhalinyaro walow markii dambe la siidaayay.

Saraakiil katirsan Ciidamada howlgalka waday ayaa sheegay in goor kasta sugida amniga iyo badqabka shacabka ay waajib ka saaran yahay Ciidamada, isla markaana bisha Ramadaan feejignaan dheeri ah ay ku jiraan. si looga baaqsado falak lidiga ku ah ammaanka  Degmada iyo degaanada kale.

Sidoo kale waxaa ay sheegeen inay howlgallada sii wadi doonaan ilaa iyo inta ay ka xaqiijinayaan Amniga Guud ee degmada Beled Xaawo iyo degaannada hoostaga halkaas oo mararka qaar lagu arko Xubno katirsan Al-Shabaab.

Verified by MonsterInsights