Ciidanka Nabadsugida Soomaaliya oo howlgal sameeyay

0
85

Ciidamada Nabad Sugida Iyo Sirdoonka Qaranka Degmada Baladxaawo ayaa howlgalo lagu xaqiijinayo Amniga waxaa ay Ka sameeyeen Qaar kamid ah degaanada hoos yimaada Degmada Beledxaawo.

Howlgalka ayaa sigaar ah waxaa looga fuliyay degaannada,  Kamoroow Towsileey Qaniyaale Iyo Deegaano kale, halkaas oo mararka qaar lagu arko xubno ka tirsan Al-Shabaab.

Howlgalka ayaa waxaa hoggaaminaayay Taliyaha Nabad Sugida Degmada Beled Xaawo Cabdullahi Cumar Cilmi, waxaana uu sheegay in Xubno ka tirsan Al-Shabaab oo ku sugnaa degaannada howlgalka laga sameeyay ay isaga tageen.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in Al-Shabaab dadka degaannada howlgalka laga sameeyay ay ka qaadayeen Xoolo, taas oo keentay inay Ciidamada ku baxaan, balse uusan sheegin dad lagu qabtay howlgalka.

Degmada Beled Xaawo ee Gobolka Gedo ayaa waxaa ay kamid tahay degmooyinka ugu amniga wanaagsan Gobolkaas, waxaana degaannada hoostaga mararka qaar howlgallo ka fuliya Ciidamada dowladda Soomaaliya.

Wardeeq news

Please enter your comment!
Please enter your name here