FB IMG 1654430068702 780x470 1 - Wardeeq news

Mid ka mid ah weriyeyaasha Soomaalida, gaar ahaan arrimaha fanka sida weyn loogu yaqaano Cumar Seerbiya ayaa sheegay in lagu xiray garoonka Hargaysa oo uu manta ka dagay.

Ma uusan sheegin sababta, balse farriin uu soo dhigay degelkiisa Facebook ayuu ku sheegay in la xiray, lamana oga sida uu ku haleelay in uu Facebook wax ku qoro iyo sida uu hadda xaalkiisa yahay.

Cumar ayaa ka hawlgala taleefishinka Astaan, isaga oo daadihiya barnaamijyada fanka, wuxuuna dhowaan qorey buug ka hadlaya fanka Soomaaliyeed.

Dhanka kale Daladda Warbaahinta Soomaaliyeed ee SOMA ayaa cambaareeysay xariga Saxafi Cumar Xasan Cali Seerbiya.

“Waxaan cambaareynayaa xarigga sharci darrada ah ee saaka ciidanka booliska ee Garoonka Cigaal ee Magaalada Hargeysa kula keceen weriye Cumar Cali Xasan (Cumar Seerbiya) oo ka mid ah suxufiyiinta ka hawlgala Astaan TV.

“Waxaan ugu baaqaynaa mas’uuliyiinta booliska garoonka Cigaal ee magaalada #Hargeysa inay deg deg u siidaayaan weriye Cumar ayna joojiyaan beegsiga lagu hayo saxafuyiinta iyo warbaahinta ka hawlgasha Somaliland.

Verified by MonsterInsights