Dad badan oo ku dhintay duqayn ay Israel ka gaysatay Marinka Gaza

0
177

Ugu yaraan labaatan qof oo reer Falastiin ah ayaa ku dhintay duqayn culus oo diyaaradaha dagaalka Israel ay xalay ka gaysteen Magaalada Gaza, oo Ururka Xamaas uu ka arrimiyo.

Diyaaradaha Israel ayaa duqayntan ka gaystay Marinka Gaza, ka dib markii xoogaga wax iska caabinta ee Falastiiniyiinta ay gantaalo ku tuureen goobo u dhow Magaalada Qudus.

Taliska Militariga Israel ayaa sheegay inay qaadeen weeraro xagga cirka ah, oo ay ku beegsadeen kooxo hubeysan, meelaha gantaalada laga soo tuuray iyo saldhig ciidan oo ku yaala Marinka Gaza.

Ra’iisal Wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu ayaa sheegay in weerarada dhanka cirka ay diyaaradahooda ka gaysteen Gaza ay jawaab u yihiin gantaalaha laga soo tuuray Gaza.

Ra’iisal Wasaaraha ayaa sheegay in xoogaga Falastiniyiinta ay ka soo gudbeen waxa uu ugu yeeray ‘Khadka cas’.

Benjamin Netanyahu ayaa Warsaxaafadeed ku sheegay in boqol iyo konton gantaal oo laga soo tuuray Marinka Gaza ay ku soo dhaceen gudaha Israel.

Gantaalada Falastiiniyiinta iyo weerarada xagga cirka ee Israel ayaa socday illaa xilli dambe oo habeenkii xalay ahaa.

Wasaaradda Caafimaadka ee Maamulka Falastiin ayaa sheegtay in labaatanka qof ee duqaynta ku geeriyooday, ay sagaal ka mida carruur yihiin, shan iyo lixdan kalena ay duqayntaasi ku dhaawacantay.

Mareykanka, Midowga Yurub iyo Britain ayaa ku baaqay in si deg-deg ah loo joojiyo rabshadaha ka soo cusboonaaday Qudus, Gaza iyo deegaanada kale Daanta Galbeed.

Wardeeq news

Please enter your comment!
Please enter your name here