5 6 - Wardeeq news

Siddeed qof ayaa ku dhintay 10 kalena waa ay ku dhaawacmeen Sabtidii, galbeedka Turkiga, kadib markii ay isku dhaceen gaari kuwa xamuulka ah iyo bas yar oo ay saarnaayeen dad aroos ah, sida ay ku warrantay warbaahinta Turkiga.

Sida ay warbaahinta u sheegeen dadka rakaabka ah ee la socday baska yar oo ka soobaxay magaalada Dursunbey ee galbeedka dalka Turkiga ayaa ku sii jeeday aroos ka dhacayay deegaanka Balak Casir oo qiyaastii 80 KM u jira mesha wax ka dhaceen.

Dadkii ku dhaawcmay ayaa loola cararay goobaha Cafimaadka sida ay ku warantay warbaahinta Dowladda.

Shilalka Ceynkaan oo kale ah ayaa ku yar dalka Turkiga, waxa ayna Dowladdu sheegtay in ay baaris dheraad ah sameeyn doonto.

Verified by MonsterInsights