Shantii aroorninmo ee saaka ayaa mar kale magaalada Boosaaso waxay ku waabariistay dhawaqa hubka culus oo ay isu adeegsanayaan ciidamadii shalay dagaalka isaga hor yimid, waxaana dagaalkan uu intiisa badan ka dhacay xarunta Ciidamada PSF.
Xarunta PSF waxaa ku sugan Gen. Maxamuud Diyaano oo diiday xil-ka-qaadis uu madaxweynaha Puntland ku sameeyey.
Dagaalkii shalay ayaa waxaa ku naf-waayay 10 qof oo isugu jira askartii dagaalantay iyo dad shacab ah, iyadoo 40 qof oo kalena ay ku dhaawacmeen, Dad badan ayaa ilaa xalay ka bara kacayay xaafadaha magaalada Boosaaso, kuwaas oo cabsi ka qabay in dagaalku uu sii socdo, saameyna ku yeesho nabadgelyadooda.