Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal culus oo saacadiihii lasoo dhaafay ka dhacay degmada afgpooye ee gobolka shabeelaha hoose .
Dagaalkaan ayaa waxa uu kadib markii xubno ka tirsan dagaalamayaasha al-shabaab ay weerar xoogan ku qaadeen saldhig ciidamada dowladda ku leeyihiin deegaanka sabiid ee hostaga degmada afgooye
Waxaana lagu soo waramayaa in weerarkaan uu ka dhashay khasaaro kala duwan oo dhimasho iyo dhaawacba leh.
Al-shabaab ayaa sheegtay masuuliyada weerarkaan ,waxaana ay sheegeen in ay qasaaro lixaadleh ku gaarsiiyeen ciidamada dowladda
al-shabaab wararka ay ku baahiyaan dhinaca interneetka waxa ay ku sheegteen in weerarkaan ka dhacay deegaanka sabiid ay ku dileen hal askari oo ka tirsan ciidamada dowladda iyaga oo sheegay in labo askari kalana ay ku dhaawaceen.
Dagaalkan ka dhacay deegaanka sabiid waxa uu kusoo aadayaa xilli saacadiihii lasoo dhaafay al-shabaab ay weeraro dhowr ah ka fuliyeen deegaano dhaca gobolka shabeelaha hoose