Faahfaahino kasoo baxaya dagaal ka dhacay degmada Janaalle ee gobolka Shhoose - Wardeeq news

Wararka ka imaanaya degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose, ayaa sheegaya in halkaas uu ka dhacay dagaal khasaaro ka dhashay oo u dhaxeeyay
Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo dagaalamayaal ka tirsan  Al-Shabaab.

Goob-joogayaal ayaa sheegay in dagaalka uu yimid kadib markii dagaalamayaal ka tirsan Al-shabaab ay weerar labo jiho ah kasoo qaadeen fariisn ay ciidamo ka tirsan kuwa militariga Soomaaliya ku leeyihiin Xaafada Buula fuuliyo ee degmada Afgooye ee G/Sh/Hoose.

Dagaalka oo dhacay xili habeen ah, lama xaqiijin karo khasaaraha dhimashada iyo dhaawaca balse khasaaro labada dhinac ah iyo dad shacab ah wuu jiraa.

Laamaha ammaanka iyo maamulka degmada Afgooye wali wax war ah kama aysan soo saarin dagaal xalay ka dhacay degmadaasi, waloow weerarada ay Al-shabaab ay kusoo qaadaan saldhigyada Ciidanka ay noqdeen kuwa joogta ah balse iska caabin xoogan ayey kala kulmaan Ciidanka dowladda waxaana ka dhasha khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah.

Verified by MonsterInsights