Xiligan gayiga dawlad deegaanka Soomaalida ee Ethiopia waxaa lagu jiraa xiligii jiilaalka, waxaana jira goobo badan oo ay biyo la’aani ka jirto.
Wasiirka Xafiiska Maaraynta Khataraha Musiibooyinka Dawlad Deegaanka Soomaalida, Axmed yaasiin sheekh ibraahin ayaa sheegay in 55 degmo oo kamid ah deegaanka ay ka jiraan biyo la’aan, isla markaana ay saameymayso dad ku dhaw 1.9 milyan oo qof.