download 6 - Wardeeq news

Hay’adda xuquuqul insaanka ayaa walaac ka muujisay qorshaha Sucuudiga uu dalkiisa uga tarxiilayo labo nin oo kasoo jeeda Muslimiinta laga tiro badan yahay ee dalka Shiinaha.

Human Rights Watch, ayaa sheegtay in masaafurinta nin lagu magacaabo Xamdallah Abdi al-Wali, oo booqanayay Maka bishii February 2020-kii si uu u soo guto waajibaadka Xajka, iyo Nurmimit Rozi, Oo isagana 46 sano jir ah, oo loo masaafurinayo Shiinaha ay tahay arrin halis ah, oo ku saabsan xarig aan loo meel dayin iyo jirdil loo geysanayo labadaas Nin.

Sida ay sheegtay hay’addu, labada nin oo kasoo jeeda gobolka Xinjiang ee waqooyi-galbeed Ee dalkaasi Shiinaha, ayaa lagu hayaa xabsi ku yaalla magaalada Jeddah.

Ugu dambayntii dowladda Shiinaha ayaa sare u qaaday Shantii sano ee lasoo dhaafay, howlgallada ka dhanka ah muslimiinta shiinaha, Ee uu ka wado gobolka Xinjiang, iyagoo sheegay inay gobolkani ka wadaan la dagaalanka argagixisada Waa Siday Hadalka U Dhigeenee.

Verified by MonsterInsights