download 3 - Wardeeq news

Golaha Midowga Murashaxiinta ayaa soo dhoweeyey war-murtiyeedkii galabta ka soo baxay shirka Golaha Wadashiga Qaranka, R.w Rooble Iyo Xubnaha Maamul Goboleedyada Ugu Sicday Muqdisho mudo todobaad ah.

Midowga Musharaxiinta ayaa Ra’iisul wasaaraha iyo madaxda dowlad goboleedyada ku amaanay tixgelinta la siiyey talooyinkii ay la wadaageen ee ku Aadanaa sixitaanka habraaca doorashada soomaaliya.

Sidoo kale Musharaxiinta ayaa bayaankaan madaxda Golaha Wadatashiga Qaran uga dalbaday inay is waafajiyaan habraaca iyo habdhaqanka doorashada.

“Goluhu wuxuu adkaynayaa in Ra’iisul wasaaraha iyo golaha wasiirrada ay si buuxda masuul uga yihiin amniga dalka, madaxweynihii horena uu ku ekaado murashaxnimadiisa. Goluhu wuxuu soo dhowaynayaa ballanqaadka Ra’iisul wasaare Rooble ee ku aaddanaa mas’uuliyadda xukuumadda ee amniga dalka,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Midowga Musharaxiinta.

Gunaanadkii Golaha Midowga Musharaxiinta ayaa Ra’iisul wasaare Rooble ka dalbaday inuu kor-joogteeyo doorashada oo si booxda uu isaga xil-saaro daahfurnaanta doorashada.

“Goluhu wuxuu ku boorrinayaa Raysalwasaaraha in uu xil iska saaro dhaqangalka habraacyada, korjoogtaynta daahfurnaanta doorashada, furitaanka saaxadda siyaasadda oo ay ugu horrayso xorriyadda muddaaharaadka, kulammada, ololaha, safarka, iyo warbaahinta qaranka oo loo oggolaado musharrixiinta,” ayaa lagu yiri qoraalka Midowga Musharaxiinta Soomaaliya.

Hoos Ka Akhriso War-murtiyeedka Oo FaahfaahsaN.

 

7bd9d05c c596 4e06 858f 98530c290261 1 - Wardeeq news

 

Verified by MonsterInsights