Degdeg: Dil Argagax Leh oo Ka Dhacay Baydhabo—Faahfaahin Soo Baxaysa

Degdeg: Dil Argagax Leh oo Ka Dhacay Baydhabo—Faahfaahin Soo Baxaysa

Magalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay   halkaasi lagu dilay tababarihii kooxda kubadda cagta Daaru-Salaam, Allaha u naxariistee Cabdi Soomaaliyeey.

 

Sida ay sheegayaan dad goobjoogayaal ah, marxuumka ayaa la toogtay xilli uu ku sugnaa agagaarka shirkadda BECO ee gudaha magaalada Baydhabo. Wararka ayaa intaas ku daraya in rag hubeysan ay weerarka geysteen, kuwaas oo goobta ka baxsaday kaddib falka dilka ah.

 

Ilaa hadda lama oga cidda ka dambeysay dilka iyo sababta loo beegsaday tababaraha, iyadoo aysan jirin wax war ah oo rasmi ah oo ka soo baxay laamaha ammaanka ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed iyo dowladda federaalka Soomaaliya.

 

Ciidamada ammaanka ayaa la sheegay inay gaareen goobta uu falka ka dhacay, iyagoo bilaabay howlgallo lagu baadi-goobayo dadkii ka dambeeyay dilkan. Sidoo kale, waxaa la filayaa in baaritaanno dheeraad ah la sameeyo si loo ogaado faahfaahinta dhacdadan.

 

Faah faahinta Warkan halkan kala socda Goordhow insha Allah

Farxaan Yuusuf

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Verified by MonsterInsights