Wasiir ku xigeenka wasaaradda warfaafinta xukuumadda Soomaaliya, Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala oo la hadlay Warbaahinta ayaa beeniyay in DFS ay ku lug leedahay Facebook-yo ay leeyhiin dad caan ah oo hawada laga saaray. Facebook-yada la xiray ayaa waxaa intooda badan lahaa Wariyeyaal
iyo siyaasiyiin si aad ah u dhalili jiray dowladda Soomaaliya. Al-Cadaala ayaa beeniyayay eedeymaha loo jeediyay xukuumadda uu ka tirsan yahay; wuxuuna sheegay ay ka go’an tahay dhowrista xorriyadda haddalka.
“Waa waxba kama jiraan in dowladu ay beegsato dadka ka fikirka duwan dowladda ee isticmaala baraha bulshada” yiri Wasiir Cabdiraxmaan Al-Cadaala. Hadalkan ayaa kusoo aadayo; iyada oo illaa iyo hadda ay hawada ka maqan yihiin Facebook-yo ay leeyihiin dad caan ah oo si gaar ah loo beegsaday, mana cadda sababta.