Dowladda Soomaaliya ayaa dadaal ku bixineysa sidii loo laali lahaa xukunno dil ah oo lagu riday ku dhawaad 40 muwaadin Soomaaliyeed oo xiran dalka Sacuudi Carabiya.
Tallaabadan waxay qayb ka tahay qorshaha ballaaran ee xukuumadda si loo hubiyo in muwaadiniinta Soomaaliyeed ee dibadda ku nool ay helaan difaac sharciyeed.
Wasiirka Caddaaladda iyo Dastuurka Soomaaliya, Xasan Macallin, ayaa Jimcihii shaaciyey inuu arrintan kala hadlay safiirka Sacuudiga u fadhiya Soomaaliya.
Wadahadalkoodu wuxuu ku saabsanaa sidii loo xaqiijin lahaa cadaaladda maxaabiista Soomaaliyeed iyo xoojinta iskaashiga garsoorka ee labada dal.
“Waxaan kala hadlay safiirka Sacuudiga sidii loo joojin lahaa fulinta xukunka dilka dhalinyarada Soomaaliyeed, wuxuuna naga aqbalay codsigeenna. Sidoo kale, waxaan ka wadahadalnay sidii loo xoojin lahaa iskaashiga dhinacyada caddaaladda iyo garsoorka,” ayuu yiri Wasiir Xasan Macallin.
Iyada oo qayb ka ah dadaalkan diblomaasiyadeed, wasiirku wuxuu soo jeediyey heshiis ku saabsan is-weydaarsiga maxaabiista, kaasoo suurta gelinaya in maxaabiista Soomaaliyeed ee xukunnada ku qaadanaya Sacuudiga dib loogu soo celiyo Soomaaliya si ay xabsiyadooda ugu dhammaystaan dalkooda.
Soo celinta muwaadiniinta Soomaaliyeed
“Waxaan ku dadaalaynaa sidii loo soo celin lahaa muwaadiniinta Soomaaliyeed ee xabsiyada Sacuudiga ku jira si ay xukunnadooda ugu dhammaystaan Soomaaliya. Waxaan u gudbinay heshiis rasmi ah oo arrintan la xiriira, waxaana sugaynaa jawaabta Wasaaradda Caddaaladda Sacuudiga si loo dhammeystiro,” ayuu yiri wasiirka.
Dadaalka dowladda ee ku aaddan faragelinta sharciyeed wuxuu daba socdaa fulintii xukun dil ah oo lagu riday muwaadin Soomaaliyeed oo lagu magacaabi jiray Maxamed Nuur Xuseen bishii Febraayo 2025.
Maxamed ayaa lagu xukumay dil, laguna fuliyey gowrac, kaddib markii lagu helay dembi la xiriira ka ganacsiga daroogada, sida uu dhigayo xeerka ciqaabta adag ee Sacuudiga.
Qoyska Maxamed ayaa si adag u dhaliilay hannaanka maxkamadayntiisa, iyaga oo ku doodaya in aan la siin xuquuqdiisa sharciyeed, in difaac sharci oo ku filan uusan helin, islamarkaana aan loo oggolaan in uu rafcaan ka qaato xukunka.
Kaddib dilkii Maxamed, qoysaska maxaabiista kale ee wajahayay xukunnada dilka ayaa dibadbaxyo ka dhigay magaalada Muqdisho, iyaga oo dowladda ka dalbaday inay si degdeg ah u farageliso oo ay ka hortagto fulinta xukunno kale oo dil ah.
Sacuudi Carabiya ayaa ka mid ah dalalka ugu badan ee fuliyo xukunka dilka, iyada oo ciqaabtaasi lagu rido danbiyada ay ka mid yihiin ka ganacsiga daroogada, dilalka, iyo falalka argagixisanimo.
Nidaamka garsoorka Boqortooyada Sacuudiga wuxuu ku salaysan yahay shareecada Islaamka, taasoo oggol ciqaabo adag, oo ay ka mid yihiin gowraca.
Hay’adaha xuquuqda aadanaha ayaa si isdaba joog ah u dhaleeceeya daah-furnaanta la’aanta maxkamadaha Sacuudiga, gaar ahaan kiisaska la xiriira ajaaniibta, kuwaas oo marar badan aan helin qareen difaaca xuquuqdooda si waafaqsan sharciga caalamiga ah.