DF waxay ka laabaneysaa go’aan ay horey uga gaartay Itoobiya.

0
4

Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa haatan ka fakireysa inay ka laabato go’aan ay horay uga gaartay Itoobiya, gaar ahaan sii joogitaanka ciidamadeeda ku sugan gudaha Soomaaliya, kadib heshiiskii dhowaan ka Ankara. Warar soo baxaya ayaa sheegaya

in ciidamada Itoobiya ay sii joogi doonaan gudaha dalka, sidoo kalena ay kamid noqon doonaan howlgalka cusub ee bilaabanaya 2025, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo wareedyo xilkas ah. Dhowaan Xuseen Macallin Maxamuud oo ah la-taliyaha amniga qaranka

ee madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in Soomaaliya ay dib u qiimeyn doonto go’aankeedii hore ee ay ka qaadatay ciidamada Itoobiya, maadaama buu yiri heshiis laga gaaray xiisadda. Sidoo kale madaxweynaha Soomaaliya ayaa isna maalmo kahor ku ammaanay ciidamada Itoobiya inay naf-hurnimo u sameeyeen xasilloonida Soomaaliya. Qorshaha Kale ee

Wardeeq news

Please enter your comment!
Please enter your name here