shirka 1536x1152 1 - Wardeeq news

Wasaaradda Gargaarka Iyo Maareynta Masiibooyinka Koonfur Galbeed ayaa Maanta qabatay Shir aad u ballaaran oo looga hadlaayey Xaaladda Abaarta ee ka jirta Deegaanada KGS, Shirka waxaa ka soo qeyb galay Hay’adaha UN-ka , kuwa Caalamiga ah iyo kuwa Deegaanka ah ee ka Shaqeeya Deegaanada Koonfur Galbeed,

Waxaa shir gudoominaayey Wasiirka Kulanka Wasaaradda Gargaarka Koonfur Galbeed Cabdinaasir Cabdi Arush, waxaana diirada lagu saaray xaaladda Guud ee abaarta iyo Warbixin dhowaan ay soo saartay FSNAU oo sheegaysay in xaaladda Abaarta laga yaabo in ay isu bedesho Macluul haddii aan degdeg loo gurmanin.

Waxaa Shirka soo gabagabeeyey Ergiga gaarka Arrimaha Bani’aadannimada Dowladda Federaalka Soomaaliya Cabdirahman Cabdishakuur Warsame oo sheegay in loo baahan yahay in si deg deg ah wax loo qabto isla Markaana loo gurmado dadka ay saamaysay Abaarta, Xafiiskiisana uu ka shaqayn doono isagoo kaashanaaya Hay’adaha deeqda bixiya, kuwa UN iyo Hay’adaha kale  sidii si deg deg ah  deegaanadooda kaalmo loogu gaarsiin lahaa dadka ay saamaysay Abaarta ee ku dhaqan KGS.

Verified by MonsterInsights