125356960 6318f16f 6745 4f1c 8be0 0644eb35d890.jpg 780x450 1 - Wardeeq news

Dowladda Soomaaliya ayaa ka jawaabtay arrimaha la xiriira ganacsiga qaadka Kenya ee ay warbaahinta qaar tabisay in dhowaan dib loogu fasixi doono Soomaaliya.

Sarkaal sare oo ku dhow maamulka Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa BBC-da u xaqiijiyay in uu socdo wadahadal u dhaxeeya labada dhinac oo waxyaabaha looga arrinsanayo uu ku jiro qaadka.

Balse, wuxuu sheegay in Soomaaliya qudheeda ay doonayso waxyaabo ay Kenya ka rabto si ay labada dhinacba u helaan natiijo mirodhal ah.

Dowladda Kenya ee uu madaxweynaha ka yahay Uhuru Kenyatta ayaa codsatay in laga qaado xayiraadda saaran dhoofinta qaadkii la gayn jiray Soomaaliya, si loogu daneeyo ganacsatada beeraha qaadka ee dalkeeda.

Mowduucan ayaa ahaa mid uu in muddo ahba muran ka taagnaa, tan iyo markii ay xayiraad kusoo rogtay dowladdii hore ee uu hoggaaminayay Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Verified by MonsterInsights