Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO) ayaa uga digtay dawladaha adduunka in ay si dhakhso leh u khafiifiyaan xayiraadaha COVID-19, iyada oo sheegtay in dalalkii sidaas sameeyay ay halis ugu jiraan in ay bixiyaan qiimo culus oo ay ugu degdegayaan sidii caadiga ahayd.
Isaga oo ka hadlaya shir jaraa’id oo uu qabtay Isniintii, khabiirka ugu sareeya ee hay’adda caafimaadka ee Qaramada Midoobay Mike Ryan ayaa sheegay in mawjad cusub oo infekshan ah ay noqon karto mid wareeg ah wuxuuna xusay in adduunka intiisa badan, aafadu ay hadda bilaabaneyso.