boosaaso - Wardeeq news

Dhaqdhaqaqyo ciidan ayaa ka taagan magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Berri ka dib markii uu khilaaf soo gala dhex galay Madaxweynaha Puntland iyo taliska ciidanka PSF ee dhawaan taliyahooda xilka qaadista lagu sameeyay.

Maamulka Puntland ayaa saacaddihii lasoo dhaafay Boosaaso geeyay boqolaal askari oo kala yimid magaalooyinka Garowe iyo Gaalkacyo, waxaana maamulka ay wacad ku mareen in ay soo celin doonaan xasiloonidii magaalada Boosaaso ayna dhaqan galin doonaan xilka talista PSF oo iska diiday Amarka Madaxweyne Deni.

Cabsi badan ayay dareemayaan dad ku sugan magaalada Boosaaso, waxaana ay sheegeen in magaalada ay buux dhaafiyeen ciidamo kala taageersan labada dhinac.

Hay’adda PSF ayaa shalay mar kale ku celisay in aysan aqoonsanayn xilka qaadistii Madaxweyne Siciid Deni ku sameeyay Agaasimaha PSF Maxamuud Cismaan Cabdullaahi Diyaano.

Shir jaraa’id oo ay qabteen saraakiil ka tirsan PSF ayay ku sheegeen in aysan waxba iska beddelin mowqifkii hay’addu kaga hortimid xilka qaadistii uu sameeyay Madaxweynaha Puntland.

Maamulka Puntland ayaa cabsi weyn ka qaba in ciidankaasi ay qalqal galiyaan Amniga doorashada golaha Shacabka oo lagu waddo in lagu qabto Magaalada Boosaaso kuraas ka mid ah.

Verified by MonsterInsights