Saddex qof ayaa lagu dilay dalka Yemen weerar dhanka cirka ah oo ay fuliyeen xulafada uu hogaamiyo Riyaad halka labo lagu dilay Sacuudiga weerar gantaal ah oo lagu eedeeyay fallaagada Xuutiyiinta Yemen. Tan iyo 2014, Yemen waxaa hareeyay dagaal sokeeye oo ay Iran taageerto fallaagada Xuutiyiinta ee ka soo horjeeda dowladda caalamku aqoonsan yahay, taas oo ay taageerayaan xulafada militariga ee Sucuudigu hoggaamiyo.