Fiqi iyo Arrimaha Dibadda - Wardeeq news

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Soomaaliya, Amb. Ahmed Moallim Fiqi Ahmed, ayaa la kulmay Prof. Dr. Mesut Özcan, Agaasimaha Akadeemiyada Diplomaasiyadda ee Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Turkiga Kulanka oo ka dhacay xarunta wasaaradda ee magaalada Muqdisho ayaa diiradda lagu saaray “xoojinta iskaashiga dhanka tababarrada diblomaasiyadda iyo ballaarinta saldhigga aqoonta diblomaasiyiinta”, sida lagu sheegay war rasmi ah oo kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda.

Intii uu socday wadahadalkooda, Wasiir Fiqi iyo Prof. Özcan waxay isla soo qaadeen sidii kor loogu qaadi lahaa xiriirka iskaashi ee ka dhaxeeya Akadeemiyada Diplomaasiyadeed ee Turkiga iyo Machadka Diblomaasiyadda Soomaaliyeed. Ujeedadu waa “in la xoojiyo isdhaafsiga khibradaha iyo hababka ugu wanaagsan, ugu dambeyntiina wanaajinta barnaamijyada tababarka diblomaasiyadeed ee Soomaaliya.”

Wasiir Fiqi ayaa muujiyay sida uu ugu faraxsan yahay taageerada dheer ee Turkiga, isagoo muujiyay in 15-kii sano ee la soo dhaafay, in ka badan 80 diblomaasiyiin Soomaali ah lagu tababaray akadeemiyada Turkiga. Wuxuu carrabka ku adkeeyay baahida loo qabo koorsooyin heersare ah oo dheeraad ah si kor loogu qaado xirfadaha diblomaasiyadeed iyo khibradda diblomaasiyiinta Soomaaliyeed.

Kulanka ayaa waxaa sidoo kale goob joog ka ahaa Mudane Alper Aktaş oo ah Safiirka Turkiga ee Soomaaliya. Ku lug lahaanshahaan ayaa waxa uu barbar socdaa bilowga koorsada dublamaasiyadeed ee yar yar ee diblumaasiyiinta Soomaaliya, kaas oo la qorsheeyay in uu Talaadada ka bilowdo Muqdisho.

Verified by MonsterInsights