Difaaca Somaliland oo La Xoojiyay Kadib Hanjabaadaha Xuutiyiinta
Maamulka Somaliland ayaa markii ugu horeyssy ka hadlay wararka la xiriira hanjabaadaha ay soo jeediyeen kooxda Xuutiyiinta ee ka dagaallama dalka Yemen, iyagoo meesha ka saaray cabsi laga qabo khatar amni oo ka iman karta dhinacaas.
Wasiirka Madaxtooyada Somaliland, Khadar Xuseen Cabdi, oo wareysi siiyay wargeyska The Times, ayaa sheegay in aanay jirin wax walaac ah oo laga qabo hanjabaadahaasi, maadaama Somaliland aysan qayb ka ahayn colaadda ka taagan gobolka.
“Ma jirto sabab looga walwalo khatar ka iman karta kooxahaas, maxaa yeelay annagu qayb kama nihin dagaalkan. Somaliland waxay leedahay sumcad nabadeed oo ay ku kasbatay sanado badan,” ayuu yiri wasiirku.
Sidoo kale, wasiirka ayaa ka hadlay wararka la xiriira suurtagalnimada in ciidamada Mareykanka iyo Israa’iil ay saldhigyo ka sameystaan magaalada Berbera, isagoo caddeeyay in ilaa hadda uusan jirin heshiis rasmi ah oo arrintaas ku saabsan.
Wuxuu xusay in Somaliland ay mar walba u furan tahay fursado kasta oo dan u ah horumarka iyo amniga qaranka, balse go’aan kasta lagu saleeyo maslaxadda guud ee shacabka.
Dhanka kale, Dekedda Berbera ayaa lagu tilmaamay hantida ugu weyn ee Somaliland, iyadoo ay maamusho shirkadda DP World. Sidoo kale, garoonka diyaaradaha Berbera oo leh runway dheer ayaa sare u qaadaya muhiimadda istiraatiijiyadeed ee xeebtaas, gaar ahaan marka la eego danaha milatari ee quwadaha caalamka.
Warbixinta The Times ayaa sidoo kale xustay in Mareykanka uu daraasad ku samaynayo suurtagalnimada saldhig milatari, halka Israa’iil ay danaynayso goob ay kaga daba-gasho dhaqdhaqaaqyada Xuutiyiinta ee Yemen—arrin muujinaysa in Somaliland loo arko lammaane amni oo muhiim ah.
Si kastaba ha ahaatee, waxaa jira walaac ka jira gudaha, gaar ahaan dadka ku nool Berbera, kuwaas oo ka baqaya in magaalada lagu soo jiido colaadaha gobolka. Somaliland oo muddo dheer ku naaloonaysay nabad iyo xasillooni, ayaa dadaal ugu jirta inay ka fogaato in loo adeegsado goob ay ku loolamaan quwadaha shisheeye.
Gabagabadii, warbixinta The Times waxay tilmaamaysaa in xiisadaha sii kordhaya ee ka jira Badda Cas iyo Yemen ay sare u qaadeen muhiimadda Somaliland, isla markaana dib u soo nooleeyeen doodda ku saabsan aqoonsigeeda caalamiga ah.
