Dowladda Mareykanka ayaa mar kale digniin culus kasoo saartay suurtagalnimada weeraro argagixiso oo ka dhaca gudaha magaalada caasimada ah ee Muqdisho, kuwaas oo ay gaysan karaan maleeshiyaadka Al-Shabaab.
Sidoo kale Mareykanka ayaa ka digay in la tego goobaha ay isugu yimaadaan dadweynaha iyo xarumaha xukuumadda, sida lagu sheegay farriintan digniinta ah.
Mareykankanku waxa uu sheegay in kooxda Al-Shabaab ay adeegsan karto baabuur laga suu buuxiyay walxaha qarxa ama is-miidaamiin toos ah.
“Waxaa suuragal ah inay dhacaan weeraro argagixiso waxaa ku jiro in la adeegsado gawaari laga soo buuxiyay walxaha qarxa iyo qaraxyo ismiidaamin ah” ayaa lagu yiri qoraalka.
Dowladda Mareykanka ayaa sidoo kale yareysay dhaq-dhaqaaqa howlwadeenneedda ku sugan safaaradda magaalada Muqdisho, si looga taxadaro amnigooda.
Si kastaba, waxaa xusid mudan in inta badan digniinaha Mareykanka ay xigaan weeraro, inkasta oo mararka qaar ay weeraradaas ka dhacaan meelo aan aheyn goobaha laga digay.