Dil, ka dhacay Magaalada Baladweyne.

0
117

Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan waxaa lagu dilay Qof shacab ahaa.

Dilkan ayaa ka dhacay Xaafadda Howlwadaag ee Baladweyne waxaana dilka geystay Askariga ka tirsanaa Ciidanka dowlada Soomaaliya ee ku sugan magaladaas asigoo ku dilay dilay axmed maxamed barrow.

Goobta uu dilka ka dhacay tagay ciidamo ka tirsan kuwa dowlada soomaaliya oo ka qaaday Meydka qofka shacabka ahaa .

Ciidamada Amniga ee dowladda Fadaraalka ayaa howlgalo saaka ka sameeyey magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan waxana howlgaladaasi lagu baarayey dil ka dhacay baladweyne.

Xaafada Howlwadaag ee Baladweyne ayey ciidamda saaka howlagalada kasamaynayeen waxaana ay baarayeen dadka iyo gaadiidka.

Qaar ka mid ah bulshada kusagan xaafada ay ciidamada ka samaynayeen baaritaanka ayaa u sheegay warbaahinta in Ciidamda baarayeen dadka iyo gaadiidka islamarkaana la arkayey ciidamo badan oo maraya wadooyinka Xaafada.

Laamaha amniga ee Baladweyne ayaa dhankooda tilmaamay inay wadaan howgalada, kuna dabajoon dil shalay ka dhacay baladweyne cidii ka dambaysa, waxayna sheegeen markuu soo dhamaado howlgalku inay la hadli doonan warbaahinta.

Inta badan Baladweyne waxaa hareeyey dilal loogaysanyo dadka shacabka ah iyo dhaca ka dib markii is badal lagu sameeyay ciimadii horay ujoogay magaalada baladweyne ee xarunta gobolka hiiraan.

Wardeeq news

Please enter your comment!
Please enter your name here