1646032913428 - Wardeeq news

Doodo xiise leh ayaa ka dhashay madaxweynaha Maraykanka Joe Biden oo la arkay isaga oo isticmaalaya talefanka shirkadda Apple ee iPhone ka loo yaqaanno.

Kamaradaha warbaahinta ayaa qabtay madaxweynaha oo 18 Feebarweri, isaga oo jooga beerta koonfureed ee Aqalka Cad uu talefanka iPhone ku hadlaya. Dad badan ayaa markiiba ku dooday in talefankani uu yahay ka ugu ammaanka badan dunida ee aanay sirdoonnadu si fudud ku dhexgeli karin. Galka ku xidhan talefankan oo ay ka muuqatay calaamadda astaanta u ah aqalka cad ayaa iyaduna sii xoojisay dooddan maadaama oo loo arkay in uu yahay talefanka gaarka ah ee aqalka cad uu ku dhex isticmaalo madaxweynuhu.

Khadka talefanka ee uu madaxweynaha Maraykanku sida rasmiga ah ugu isticmaalo xidhiidhada Caalamiga ahi waxa uu yaallaa aqalka cad iyo beerta nasashada madaxtooyada ee Camp David.

In kasta oo aanay xukuumadda Maraykanku sheegin cabsi dhinaca ammaanka ah oo soo korodhay, haddana muddooyinkii u dambeeyey waxaa kor loo qaaday heerka ilaalinta ammaanka aqalka cad.

Sayga labaad ee Maraykanka, Doug Emhoff, odayga qaba haweenayda madaxweyne ku xigeenka ka ah Maraykanka aya isaguna dhowaan ku cawday in adkaynta ammaanka aqalka cadi ay sababtay in ay si habsami ah u xidhiidhi kari waayaan isaga iyo afadiisu. Waxa uu sheegay in mararka qaarkood aanay awoodin xitaa in uu farriimo isu diris kula xidhiidho xaaskiisa.

Kamaal marjaan.

Verified by MonsterInsights