Doorasho 716x430 1 - Wardeeq news

Magaalada Jowhar ee Caasimadda Maamulka Hirshabeelle ayaa waxaa lagu wadaa in Maanta oo sabti ah ay ka dhacdo doorashada saddex kursi oo kamid ah kuraasta Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad, kuwaasi oo deegaan doorashadoodu tahay Jowhar.

Guddiga doorashada Hirshabeelle ayaa diiwaan-gelinta iyo shahaado siinta bilaabaya gelinka hore ee Maanta, iyadoona doorashada saddex kursi ee Golaha Shacabka dhici doono gelinka dambe ee isla Maanta, sida uu qorshahu yahay.

Musharaxiin dhowr ah ayaa ku tartameysa kuraasta taalla Jowhar oo ay tirsigoodu kala yihiin HOP024 oo afarii sanno ee lasoo dhaafay ku fadhiyey C/qaadir Carabow Ibraahim,  HOP140 oo uu ku fadhiyey Cabduqaadir Cosoble Cali iyo HOP106 oo ay ku fadhiday Mina Xaaji Shibis, waxaana Cosoble iyo Carabow ay mar kale doonayaan inay soo laabtan.

Maamulka Hirshabeelle ayaa tartan ka furay saddexda kursi oo ay ku loolamo doonaan Musharaxiin dhowr ah oo ku sugan Magaalada Jowhar, isla markaana ka wada olole doorasho oo xoogan iyo kulamo ku aadan doorashada kuraasta dhaceysa Maanta.

Hirshabeelle iyo Jubbaland oo kaliya ayaan dhammeynin doorashada kuraasta Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee dowladda Federaalka Soomaaliya, waxaana Jubbaland caqabad siyaasadeed ka heysataan deegaan doorashada labaad.

Verified by MonsterInsights